Ciidamada Dowladda Soomaliya oo Feejignaan Dheeri ah La Galiyay+Sawirro

0

Dowladda federaalka Soomaliya ayaa feejignaan dheeri ah galisay Ciidamada Dowladda kuwasi oo haatan lagu arko wado walba oo ku taala Magaalada Muqisho.

Ciidamada Xasilinta caasamdda magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Waddooyinka waa weyn iyo waddooyinka yar ee loo yaqaano jid cadayaasha, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka baaritaan ku sameynayay.

Gadiidka waa weyn iyo kuwa Raaxadda ah  ee isticmaala wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa safaf la galiya si baaritaan loogu sameeyo .

weerarkii xalay lagu qaaday Maqaayadda Boosh iyo pizza House ayaa keentay in heegan la galiyo Cidamada Dowlada Soomaliya, islamarkaana la kordhiyo baaritaanada lagu sameynayo gaadiidka kala duwan ee wadooyinka isticmaala.

Ammaanka magaalada Muqdisho oo muddooyinkii u dambeeyay soo hagaagayay ayaa weerarkii xalay waxaa uu wax ka bedelayaa dareenkii ay dadka qabeen, wuxuuna ahaa weerarkii ugu horeeyay ee Muqdisho ka dhaca tan iyo bilowgii bisha Ramadaam.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here