Dowladda Qatar ayaa Ciidamadeeda dhex-dhaxadinta kala baxday xaduudka Wadamada Djibouti iyo Eritrea kadib markii Dowladda Jabuuti ay hoos u dhigtay xiriirkii kala dhaxeeyay Qatar.
Wasiirka arrimaha Dibada Dowladda Qatar ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay maanta Go’aan ku gaartay in Ciidamadeeda kala baxdo xaduudka Wadamada Djibouti iyo Eritrea oo dhowrkii sano aynu soo dhaafnay ay ka howlgalayeen madaama uu dagaal ka dhaxeeyo labada wadan.
Qatar ma aysan sheegin sababta keentay in Ciidamadeeda ay kala baxdo xaduudka Wadamada Djibouti iyo Eritrea.
“Qatar waxa ay Ciidamada kala baxday xaduudka Wadamada Djibouti and Eritrea, inta laga xalinayo Khilaafka wadamada Carabta, waxaan sii wadi doonaa xiriirka nagala dhaxeeya wadamdaa Caalamka”,ayuu yiri Wasiirka arrimaha Dibada Dowladda Qatar.
Sidoo kale Qatar ma aysan sheegin Tirada Ciidamada Laga Saaray xaduudka Wadamada Djibouti iyo Eritrea.
Dowladda Jamhruuiyadda Jabuuti ayaa dhawaan shaacisay In ay hoos u dhigtay xiriirkii kala dhaxeeyay wadanka Qatar, islamarkaana ay la safatay xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo.

