Faah-faahin:-Xoolo Dhaqato Xalay Lagu Dilay Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Tuulo u dhow Degaanka Qeydaro ee Bariga ee Gobolkaas in xalay uu ka dhacay weerar lagu dilay dad xoolo dhaqato ahaa, mid kana lagu dhaawacay.

inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaas lagu dilay 4-qof halka lagu dhaawacay mid kale.

Weerarkaan ayaa la sheegay in uu dhacay habeenkii xalay ahaa islamarkaana maleeshiyaadka hubeysan ay si bareer dadka xoolo dhaqatada ah ay u dileen.

Deegaanada gobolka mudug waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka ay geystaan Maleeshiyaadka hubeysan, xili Maamulada Puntland iyo Galmudug ay kawada hadlaan nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here