Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa caawa ka socda deegaanka daanyaley ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkaan u dhaxeeya labada Maleeshiyo beeleed ayaa bilowday daqiiqado ka hor, waxaana la xaqiijiyay in labada meleeshiyo beeleed ay saakay wada dagaalameen, galabtana uu dagaalka joogsaday, balse uu caawa dib u biloway.
Qof ku sugan deegaanka daanyaley ee Gobolka Hiiraan ayaa idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho u sheegay in dagaalka ay ku dhinteen 2-ruux 4-kalana ay ku dhaawacmeen oo dhinacyadda dagaalamayo u badan.
Dhanka kale Maamulka Gobolka hiiraan aynu caawa la xiriirnay ayaa inoo sheegay in haatan ay socoto waan-waan lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Labada Maleeshiyo beeleed.

