Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in kulamada baarlamaanka maamulkaasi ay yeelanayaan uusan shir gudoomin doonin gudoomiyaha baarlamaanka Shiikh Cusmaan Barre.
Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Iidoow oo kamid ah Xildhibanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle islamarkaana la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in kulamada baarlamanka uusan shir gudoomin Gudoomiyaha madaama shaqo joojin lagu sameeyay.
“Mar Hadii Mooshin laga keenay gudoomiya baarlamaanka Shiikh Xuseen Cusmaan, waxa shirarka Xildhibaanada baarlamankaas shir gudoomin doona Gudoomiye ku-xgeenka, Gudoomiyaha waxa uu jabiyay dastuurka Maamulkas, kulamada la yeelan doono maalamaha soo socda waxaa loogu doodi doonaa qodobka ah tirade Mooshin ka keeni karta Madaxweynaha Hir-shaballe”, ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Iidoow.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa shalay joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Cismaan Barre, kaddib markii ay ku eedeeyay inuu hor-istaag ku sameeyay dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Maamulkaas.
Kulan ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ku Maamulkaas magaalada Jowhar ee caasimada Hir-shabeelle ayaa waxaa Guddoomiyaha mooshin ka geeyay illaa 47 xildhibaan oo 39 ka mid ah ay qalinka ku duugeen.

