Wafdi uu hogaamineyo taliyaha Ciidamada Booliska Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka baay.
Wafdigaan waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Kusimaha Madaxweynaha ahana Waziirka beeraha Iyo waraabka Maxamed xasan Fiqi iyo Mas’uuliyiin, intaas kadibna waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyadda.
Kulan dhexmaray Kusimaha Madaxweynaha ahana Waziirka beeraha Iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa loogu hadlay sidii loo qaadi lahaa howlgal ka dhan ah Al shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska Midowga Afrika AMISOM waxa uu sheegey in aysan wado kale ay san jirin Al shabaab loo maro waxana uu shegey in ay tahay dagaal,
“waxana Guul aan ku gaari karnaa Ciidamada qeybahooda kala dawan ku dhagan dalka soomaliya oo hal meel ugu soo wada jeesta iyo bulshada uu la shaqeeya ciidamada”, ayuu yiri taliyaha Ciidamada Booliska Amisom.
Maxamed xasan Fiqi oo ah ku simaha madaxweynaha kgs aya waxaa uu sheegey in dowlada goboleedka Kgs ay mar waliba ay u diiyaarsan tahay sidii Al-shabaab loogu sifeyn lahaa deegnadan Kgs.
Safarka Taliyaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili uu safara kala duwan kuu tagey Xaruumaha Maamula Goboleedyada dalka soomaaliya ka jira.




