Kenya oo Gacanta Ku Dhigtay Rag Loogu Shakiyay Xarakada Al-shabaab

0

Lix qufood oo looga shakisanyahay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ayaa dowlada Kenya waxa ay sheegtay in ay ku qabatay xadka somaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kuwaa oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka ciidamda booliiska dalka Kenya joseph Bonet  ayaa sheegay in raggan la qabtay ay qorsheenayeen weeraro laga fuliyo gudaha dalka Kenya.

War uu soo saaray joseph Bonet ayaa lagu sheegay in lixda ruux ay doonayeen in ay soogalaan gudaha dalka Kenya si weero qorsheesan ay u fuliyaan balse waxa uu tilmaamay in ay laamaha amaanka dalka Kenya  oo ka shaanaya dhigooda ciidmada dowlada Soomaaliya in ay ku guuleysteen qabashada shaqsiyaadkaasi oo lagu qabtay waxyaabaha qarxa.

Shaqsiyaadkan ay sheegtay dowlada Kenya in ay gacanta ku dhigtay ayaa waxaa kamid ah 2 nin oo ah muwaadiniin kenyaati ah kana soo jeeda magaalada Mandera kuwaa oo lagu kala magacaabo Abdullahi Daud Adan iyo Ismail Issack Mohamed.

Waxaana sidoo kale booliiska dalka Kenya uu tilmamaay in 4-ta kale ay ahaayeen muwaadiniin Soomaali ah oo magacyadooda lagu sheegay Mohamed Weyhow, Hassan Bule, Hassan Jama and Ahmed Muse.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here