Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo shalay gaaray Magaalada cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in maamulkiisa uu gacanta kusoo dhigi doono cid walba oo dambi ka gasha deeganada Maamulkiisa islamaarkaana Maxkamadda lala tiigsan doono.
Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud in ay ka shaqeyaan nabad iyo hormarka, islamarkaana ay kasoo horjeystaan in beelaha walaalaha ay ku dagaalamaan Magaalada.
“Waxaa loo baahan yahay nabad,odoyaasha iyo dadweynaha Magalada Cabud-waaq waxaa loogu baahan yahay in ka shaqeyaan sidii dil ugu dhici laheyn degmada, kii dambiilaha kusoo sheegno, haddii uu aado Itoobiyo ama Ameerika waa laga soo qaban, haddii uu Shabaab xitaa dhex galo waa laga soo qaban, ballan baan taas ku qaadnay” ayuu yiri madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay ka bilaabatay Magaalada Cabud-waaq islamarkaana loo gudbi doono dhanka Ahlusuna Waljameeca.

