Cali jeyte:-“Dhalinyaradii Lagu Qabtay Boosaaso Al-shabaab Ma Ahan“,+Dhageyso

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Gaarigii lagu qariyay Waxyaabaha qarxa ee ka baxay magaalada Beledweyne islamarkaana lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle Cali jeyte cismaan  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dhalinyaradii dhawan lagu qabtay Magalaada Boosaaso ee Gobolka bari islamarkana la socday gaari siday qudaarta ee lagu dhax qariyay waxyabaha qarxa aysan ka tirsaneyn Xarakad Al shabaab balse lagu qalday waxyabahan qarxa.

Cali jeyte cismaan  Guudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-shabeelle  ka codsaday Maamulka Puntland inay u cadaalad falan, islamarkaana ay hubana in dhalinyaradaas aysan ka tirsaneen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Cali jeyte cismaan ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Magalaada Baladweyne laga raro waxyabahan qarxa islamarkana aysan ka war helin Maamulka iyo lamaha aminga isago amaanay ciidamada puntland ee gacanta ku dhigay waxyabahan qarxa.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top