War Deg Deg:-Hoyga Gudoomiyihii Degmada Hodan oo La Weeraray

0

Kooxo hubeysan ayaa xiligii afurka  ee caawa waxa ay bambo Gacmeed ku weerareen Guri uu degmada Hodan ee Gobolka banaadir ka dagan yahay Guddoomiyihii hore ee degmadaas mudane Axmed Salaad.

Dhawaqa bamb-ka ayaa si weyn loo maqlay degmooyinka ku dhow degmada hodan ee Gobolka banaadir waxaana bamb-ka kadib la maqlay rasaas  ay rideen Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaaladda Hoyga Guddoomiyihii hore ee degmadaas Axmed Salaad.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Hodana ayaa xaqiijiyay in bamb-ka uusan geysanin wax qasaaro ah islamarkaana lagu raad-joogo kooxihii ka dambeeyay weerarka lagu qaaday hoyga Guddoomiyihii hore ee degmadaas mudane Axmed Salaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here