Kooxo hubeysan ayaa goordhow duleedka magaalada muqdisho gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ay ku dileen sarkaal ka tirsan Ciidamada militeriga soomaaliya.
Sarkaalkaan ayaa la sheegay in rag hubeysan ay ku toogteen deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho,islamarkaana uu goobta ku geeriyooday falka kadib.
Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsatay goobta mana jiraan ilaa haatan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo arintaasi ka hadashay.
Dhinaca kale war Al-shabaab ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda soomaliya in deegaanka Ceelasha biyaha ay ku dileen.