Qaramada Midoobay  oo Ku Baaqday in Lala Dagaalamo Al-shabaab iyo Boko Haram

0

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobe ayaa ka codsaday hogaamiyayaasha musliminta  dalalka qaarada Africa oo soomaaliya ay ka mid tahay in ay la’dagaalamaan kana hortagaan dagaalyahanda ka soo horjeeda  dalalka  ay ka howlgalaan si qaarada Africa aysan ugu faafin.

Rosa Malango oo ah isku xiraha qaramada midoobay  iyo dalka Uganda ayaa sheegay hadii aan laga hortagin dagaalyanahada hubeysan in qarniyo kale ay cuuryaamin karaan horumarka dallaka qaarada Africa oo dalka soomaaliya ay kamid tahay.

Kulan dood wadaag ah oo  labo maalin ka socday dalka Uganda oo dalalka bariga iyo koofurta qaarada Africa hogaamiyayaashooda muslimiinta ay ka soo qeyb galeen ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa Xarakada Al shabaab ee sSoomaaliya iyo Kenya ka dagaalanta   iyo dagaalyanada  Boko-haram oo dalka Nageria ka howlgala  waxaaana kulanka soo qaba qaabiyay  hay’adda nabadeynta iyo diimaha kala duwan u qaabilsan qaramada midoobe.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here