Faah-faahin:-Ciidamo Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

0

Ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya gaar ahaan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar ayaa maanta waxa uu iska hor imaad ku dhex maray Gudaha Degmada Dharkinley ee Gobolka banaadir.

Goob joogayaal u waramaya idaacadda Simba ayaa sheegay  in ciidamada dagaalamay ay isku qabteen canshuuro la qaadayay xiligaas, waxaana muranka labada ciidan dhax maray ugu dambeyn sababay in ay dagaalamaan ciidankan ilaalada deegaanka Xamar katirsan.

Inta la xaqiijiyay la hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dagaalamay ayaa dhintay labo kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, ciidamada dagaalamaya ayaana markii dambe la sheegay in ay isaga baxsadeen goobtii ay ku dagaalmeen.

Maamulka Degmada Dharkinley ayaa markii dambe kala dhexgalay Ciidamada dagaalamay waxaana haatan xaaladda ay tahay mid aad u dagan.

Inta badan ciidamada kawada kuwa Dowladda Soomaliya ayaa ku dagaalama magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here