Ciidamo Ka Amar Qaata Guddoomiye Degmo oo Gaari Dad Shacab ah Rasaaseeyay+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmadaas ay gaari ay saarnaayee dad shacab ah ku rasaaseeyeen  duleedka degmadaasi.

Mid ka mid ah dadkii gaariga Saarnaa xiliga la rasaaseynayay balse ka badbaaday oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada ay si ku tala gal ah ay u rasaaseeyeen gaariga ay saarnaayeen dadka shacab ah, islamarkaan uu jiro dhaawac soo  gaaray shacabki saarnaa gaariga.

“Ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax ayaa rasaaseeyay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay duleedka degmadaas, si bareer ayay rasaas ooda ugu qaadeen, tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay, ciidamada markuu shilka dhacay kadib waxay qaateen lacago iyo alaabo kale ay shacabka ah wateen”, ayuu yiri qof gaariga saarnaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here