Ciidamada Booliska Talyaaniga ayaa xabsiga dhigay Tahriibayaal Soomali oo doonayay in ay ku biiraan dagaalyahanada Daacish.
Howlgal ay ciidamada booliska Talyaaniga ay ka sameeyeen koonfurta dalkaas ayaa lagu qabtay Tahriibayaasha Soomalida waxaana la sheegay in ay qorshaynayeen ku biirista kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka bariga dhexe.
Booliska waxa ay sidoo kale sheegeen in Tahriibayaasha Soomalida ay wateen ducumtiyo been abuur ah islamarkaana ay doonayaan in ay ka gudbaan talyaaniga ayna gaareen Jaziiradda Malta oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaalyahano xiriir la leh Daacish.
Booliska ma aysan shaacinin Tirada Soomalida la qabtay.

