War Deg Deg:-Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysana ayaa Goordhaweyd Xaafadda Albaraka ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxay ay ku dileen Nabadoon Sayid Cali Xuseen Abtidoon oo kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kasoo dooratay Magaalada Cadaado.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay fuliyeen dilka Ala Ha u Naxariistee Nabadoon Sayid Cali Xuseen Abtidoon oo kamid ahaa Ergadii xildhibaanada kasoo dooratay magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah Maamulka Galmudug.

Raga hubeysan ayaa goobta isaga baxsaday dilka kadib, sida idaacadda simba ay u xaqiijiyeen dad ku sugan Xaafadda Albraka ee Degmada hodan ee Gobolka Banaadir.

Dilka kadib waxaa gobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya,mana jirto cid losoo qabtay dilka Nabadoonka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here