Shirkii Doorka Qurbajoogta iyo Ururrada Bulshada Rayidka London+Sawirro

0

Magaalada London ee caasimadda dalka ingiriiska waxaa maanta ka furmay Shirkii looga hadlayay doorka qurbajoogta iyo ururrada bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee qeybta ka ahaa shirweynaha London ee lagu qabtay xarunta Lancaster house Ee galbeedka London.

Shirka waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Somalia mudane Mohamed C/laahi Maxamed (Farmajo), R\wasaare ku xigeenka Somalia, wasiiro ka tirsan Dowladda ingiriiska, oo ay kamid yihiin xoghayeyaasha arrimaha dibadda iyo horumarinta caalamiga ah, wakiillo ka socday beesha caalamka, qurbajoogta, xubno metalayay bulshada Rayidka Soomaalida iyo madax kale oo farabadan hadaba waxaa xusuus ah in shirka qeybta ugu muhiimsan la qaban doono berito oo khamiis ah 11-ka may kaasoo ay hogaamin doonaan madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo iyo R/wasaaraha Ingiriiska Theresa May.

Shirka intii uu socday ayaa madaxda ka hadashay iyo ka qeybgaleyaasha shirka si weyn u amaaneen doorka ay qurbajoogta ka qaateen dib udhiska iyo maalgelinta dalka madama ay malaayiin doollar udiraan somalia kuna taageeraan ehelkooda iyo ganacsiga ay gudaha ku leeyihiin.

  

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here