Maxkamada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah shan sano oo xarig ah ku riday Bashiir Cabdulqaadir Daahir oo lagu helay dambi ah inuu ka dambeeyay kufsigii Gabadh 13 sano oo lagu kufsaday degmadaas.
Maxkamadda degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland waxaa kale oo ay ku xukuntay saddex milyan oo ganaax ah iyo meherkii gabadhaas oo dhan 44 sako oo Ari ah, madaama uu Gabarnimadeeda seejiyay.

