Wararka ka imaanaya duleedka magaalada muqdisho ayaa ku waramaya in Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi in ay madaafiic ku garaacen xaafaddo ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa.
Ilaa 6-madfac ayaa la sheegay In ay ku dhaceen xaafadda arbacow deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ahaa oo xaafadaas ku sugnaa.
2-qof oo shacab ahaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen madaafiicda xaafadaas ku dhacday islamarkaana uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad kale oo xaafadaas ku sugnaa sida idaacadda simba ay u sheegeen dad xaafadaas ku sugan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xaralada Al-shabaab ayaa saacado ka hor ay madaafiic ku gareen saldhiga Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaas,islamarkaana jawaabta ay bixiyaan Ciidamada AMISOM ay waxyeelo geysatay.

