Dowladda Mareykanka oo Xaqiijisay in La Dilay Hogaamiye Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Weerar si wadajir ah koofurta soomaaliya ay kaga fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa AMISOM oo garab siinaya ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya horaantii bishan waxa ay weerar ku qaadeen  fariisamo Xarakada Al shabaab ay ku leeyihiin gobalka shabeelaha hoose ayaa xaqiijiyay dilka taliyaha gobalka shabeelaha hoose u qaabilsanaa xarakada al shabaab Moalim Osman Abdi Badil.

Weerarka oo sidoo kale oo  qeyb ay ka aheyd   diyaarad  helicopter ah oo ku dul heyhaabeysay xero military oo Al-shababab ay ku lahaayeen Gobalka Shabeelaha hoose ayaa duqeymo xoogan iyo hub culus ku garaacday xeradaasi waloow xarakada al shabaab ay iska caabiyeen weerarkaasi iyagoo dilay askari katirsan ciidamada mareykanka halka ay dhaawaceen turjumaabaan Soomaali mareykan ahaa.

Warkan ka soo baxay dowlada mareykanka ayaa lagu sheegay in u jeedkoodu uu ahaa dilka hogaamiye sare oo ka tirsanaa Xarakada Al shabaab ee lagu magacaabayya Moalim Osman Abdi badil waxaana dowlada mareykanka ay intaa ku dartay in weerarka sidoo kale ay ku dileen saddex kale oo katirsanaa isla Xarakada Al shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here