Garoonka Diyaaradaha magaalada muqdisho ee aadan cadde waxaa goordhaweyd soo caga dhigatay Diyaarad Nuuca Militirga ah oo laga leeyahay Dalka masar ayana Saranyihiin Raashin iyo Daawo loogu talagalay dadka ay Abaaruhu Saameyeen.
Diyaaradaan ayaa saacad ka hor kasoo baxday Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaana la socda Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Masar, waxayna galbinayeen diyaarada gargaarka sida ee masar ay soo dirtay.
Dowladda Masar ayaa dhawaan sheegtay in diyaarad gargaar sida ay usoo direyso wadanka Soomaliya, si loogu caawiyo shacabka Soomaliyeed ee Abaaraha ay sameeyeen.



