Somali-land oo War Ka Soo Saartay Shirka Arrimaha Soomaliya ee London+Dhageyso

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay shirka lagaga hadlayo arrimaha Soomaalida ee la filayo in uu ka dhaco dalka Ingiriiska 11-ka bishaan aannu khusaynin, oo aanu ka qeyb gali doonin.

Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo laanta afka Soomaliga  VOA u waramay, ayaa sheegay in shirkaasi gaar u yahay Soomaaliya, isla markaana aanay dawladda Ingiriisku ku martiqaadin Xukuumadda Soomali-land.

“Shirka ka dhacaya Magaalada London 11-ka Bishaan waa shir ay Dowladda Ingriiska ay u qabanayso Soomaliya,Somali-land Shirkaas laguma casuumin,arrimaha loogu hadlaayo nama quseeyaan waa arrimo  Soomaliya quseeya wixii kasoo baxayana Somaliya ayay u yaalaan”, ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire.

11-ka bishaan oo ku beegan maalinta Khamiista ah waxaa Magalada London ee dalka Ingiriiska ka Furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

Afarta ajande ee looga hadlayo shirka Magaalada London waxaa kamid 1- Amniga, 2- kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha 3-siyaasada iy dib u eegista dastuurka 4- Qaabka wada shaqeyneyd ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here