Akhriso:-Gudoomiye Taabid oo Magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Taabid Cabdi Maxamed(Taabid Ab) ayaa  magacaabay Golaha Amniga Gobolka Banaadir kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Gudoomiye Taabid ayaa sheegay in Golahaan la magacaabay ee amniga Gobolka banaadir ay ka shaqeyn doonaan sidii Magaalada  Muqdisho looga soo celin lahaa, amnigii loogu bartay sanado ka hor.

Liiska guddiga la magacaabay.

1­ Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga

2­ Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir

3­ Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka

4­ Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska

5­ Taliyaha Nabadsugida

6­ Taliyaha Qeybta 12­ka April ee Ciidamada Xoogga dalka

7­ Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Taabid Cabdi Maxamed(Taabid Ab) ayaa sheegay in Guddigaan ay u rajeenayaan in ay ku guuleystaan howlihii loo magacaabay.

Golahaan oo kale oo waxaa sanadkii 2014-kii  magacaabay Gudoomiyihii Hore ee gobolka banaadir ahaana duqa Magaalada Muqdisho Mungaab lagama sii hor dhici karo waxa uu golahaan uga duwanaan doono midkii hore, inkastoo golaha ay xubno ka yihiin Xeer Ilaaliye kuxigeenka, Taliyaha qeybta 12­ka April, Taliyaha Xabsiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here