Waaxda Arrimaha Dibada Dowladda Mareynka oo war soo saaartay ayaa sheegtay in weerarkii Habeen Hore ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ujeedkiisa ahaa in lagu dilo ama Lagu Qabtay ku-xigeenka Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame(Mahad Karatee).
Mareykanka ayaa sheegay in ku-xigeenka Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame(Mahad Karatee) oo ku sugnaa deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana la doonayay in la qaarijiyo ama gacanta lagu dhigo isagoo nool, balse uu fashilmay damacii ku aadanaa qabashada Hogaamiyahaas.
Sidoo kale Waaxda Arrimaha Dibada Dowladda Mareynka waxa ay sheegtay in deegaanka weerarka lagu qaaday ee Daaru-saalam ay saldhigyo ay ku leeyihiin Hogaamiyayaasha Xarakada Al-shabaab, uuna xiligaas ku sugnaa ku-xigeenka Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame(Mahad Karatee).
Dowladda Mareykanka ayaa Madaxa ku-xigeenka Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Abdirahman Mohamed Warsame(Mahad Karatee) dhul dhigtay 5–Million waxayna sheegtay in Qatar uu ku yahay nolosha Shacabka Soomaliyeed.

