Macalin Maxamuud Shiikh Xasan faarax oo ah Gudoomiyaha maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa dowladda Federaalka Soomaliya ugu baaqay in maamulkooda u aqoonsato maamul jira.
Gudoomiyaha maamulka Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax ayaa tilmaamay in qaar kamid ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya ay doonayaan in la xumeeyo culimadda Ahlusuna waljameca,islamarkaana loola dhaqmo sida Al-saaciduuna bil xaq oo uu sheegay in uu yahay urur Takfiiri ah, oo dadka muslimiinta u aqoonsan Gaalo.

