Cabdi Ibrahim Shaamoow Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgal ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaado Degmada Afgooye guulo laga gaaray.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in howlgalka uu soo bilowday todobaadkii aynu soo dhaafnay islamarkaana Al-shabaab loogu saaray deegaano iyo tuulooyin hoos yimaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Waxa uu sheegay in Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaliya ay dagaal uu ku dhexmaray Maalinkii shalay ahaa deegaanka Mareerey ee hoos yimaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose islamarkaana Ciidamada Dowladda Soomaliya ay suurta gashay in gabi-ahaanba ay cagta mariyaan degaanadii ay ku sugnaayeen.

