Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha hoose aaa ku waramaya in Xarakada Al-shabaab ay Galabta Madaafiic ay ku garaceen garoonka melleteriga Balli-doogle oo saldhig ay ku leeyihiin ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo kuwa Mareykanka.
Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa sheegtay in 35 madac lala helay gudaha garoonka Balli-doogle “Mujaahidiinta ayaa 35 madfac lahelay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo saldhig melleteri u ah ciidamada Mareykanka” ayaa lagu yiri war lagasii daayay Radio Andalus.
illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta lagu qaaday Garoonka Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hoose, oo Saldhig malatari ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM.
Garoonkan Garoonka Balli doogle ee gobolka Shabeelaha hooswaxaa saldhig ay ka haadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka ku leh dowladda Mareykanka sidoo kale garoonka ayaa saldhig weyn u ah ciidamada AMISOM.

