Madaxweyne Ku Xigenka maamulka Puntland ahna Kusimaha Xilka Madaxweyne Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay go’aano ka gaartay Duulimaadyada diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Ceyn, wuxuuna ka digay in diyaaraduhu ay iska tagaan garoonka diyaaradaha ee magaaladda Buuhoodle.
Wuxuu xusay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland in diyaaradii ka dagaysa garoonkaasi, ay soo marto Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ee Maamulka Puntland, maadama ay hawadasi iyagu Maamulaan.
Wuxuuna iska fageeyay in dano siyaasadeed ay ku hoosjiraan Go’aanka ay puntland ku hakisay duulimaadyada magaaladda Buuhoodle ee Gobolka Ceyn , oo ay horay u isticmaali jireen Siyaasiyiinta maamulka Khaatumo.

