Maamulka Ahlusuna oo Loogu Baaqay in uu Ka Shaqeeyo Midnimada Gobolada Dhexe

0

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , iyo Hirshabelle ayaa kula taliyay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca in uu ka shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadka gobolada Dhexe islamarkaan Gobolada Dhexe loogu sameyn hal maamul oo lagu mideysan yahay.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , iyo Hirshabelle ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlusuna Waljmeeca Shiikh Axmed Shakir Cali Xasan in uu ka shaqeeyo rabitaanaka Shacabka Gobolada Dhexe islamarkaana uu ka mira dhaliyo wada-hadalka uu la galo Maamulka Galmudug oo Xarun kmg u ah Magaalada Cadaado.

Kulanka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Ali Khayrre,wasiirkiisa arrimaha dibada Yusuf Garaad, wasiirka arrimaha gudaha MrJuxa, madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland , Hirshabelle iyo Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Shiikh Shaakir, oo isaga ahaa madaxa wafdiga caawa soo dhaweynta loo sameeyey balse Galmudug’ laguma casumin kulanka, maadaama labada dhinac wali wadahadalkooda uusan bilaaban.

Maamulka Gobolad Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa horey ugu xumaaday doorashadii sanadkii 20212-kii ka dhacay Mgaalada Cadaado ee Lagu dhisay Dowladdagoboleedka galmudug, taasina waxa ay keentay in maamul la Magac-baxay gobolada Dhexe laga dhiso Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Dhuuso-mareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here