Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo Amar Culus Soo Saaray

0

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa idaacadda Simba u sheegay in madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu mar kale ku wargaliyay Safaaradaha degan Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada Soomaliya inay halkaasi ka guuraan, oo ku shaqeeyaan xarumahoodii hore ee ay dalka ku lahaayeen.

Safaaradaha wargelinta la siiyey waxaa ay ku dhex shaqeeyaan garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka mid ah Safaarada itoobiya oo muddo dhex deganayd Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (farmaajo) ayaa tilmaamay in Madaxtooyadda iyo garoonka Diyadaraha Magaalada muqdisho ay yihiin goobo loogu talagalay in ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Dowladda Soomaliya islamarkaana Safaaradaha ay dagaan goobihii ay ku shaqeyn jireen xiligii dowladii Dhexe ee Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here