War Deg Deg:-Madaxweynaha CAF oo Loo Diiday in uu Gudaha u Galo Garoonka Stadium Muqdisho

0

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa u diiday Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya iyo Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee CAF in ay gudaha u galaan Garoonka kubada Cagta ee Stadium Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaliya ee la socda madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Qaaradda Afrika Ahmed Ahmed ayaa waxaa kamid ah wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya,wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaliya, wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaliya iyo ms;uuliyiinta kale.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen wafdiga ka socday Dowladda federaalka Soomaliya iyo Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa, islamarkaana ay u diideen in gudaha u galaan Garoonka Kubada Cagta Stadium Muqdisho oo saldhiga Malatari u ahaa sanadihii dambe.

Lama oga sababta ka dambeysa arintaan, iyadoo ujeedka Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf u yimid magaalada Muqdisho uu yahay sidii kormeero ugu sameyn lahaa garoomada ku yaala Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya ,islamarkaana dib u dhis lagu sameeyo Garoonka kubada Cagta Stadium Muqdisho.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda federaalka Soomaliya iyo Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta qaarada Africa ee Caf ahmed ahmed ayaa haatan ku sugan Garoonka banaadir Stadium ee Magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here