Qaar Ka Mid ah Dadkii Ku Dhaawacmay Weerar Gaashaandhiga oo U Geeriyooday Dhaawacii Soo Gaaray

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen dhaqaatirta isbitaalada la dhigay dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka Wasaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya, qaar Ka Mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkas ayaa xalay u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka dhintay oo tiradooda kor u dhaafaysa ilaa 10-ruux ayaa naloo xaqiijiyay in ay si xun ugu dhaawacmeen qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Wasaradda gaashaandhiga Dowladda Soomaliya, waxayna saarnaayeen gaari caasi ahaa oo uu ku dhacay gaari ismiidaaminta.

Dhaqaatirta waxa ay sidoo kale inoo xaqiijiyen In ay la tacaalayaan dad kale oo isbitaalka jiifa kuwaas oo qaba dhaawacyo daran,madaama qarax uu uu sameeyay gaariga caasiga ahaa ee wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho marayay.

Weerarkaas shalay ka dhacay agagaarka Wasaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya waxaa la doonayay in lagu dilo Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Jeneraal Cirfiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here