Kulan Lagu Heshiisiinayo Maamulada Ahlu-sunna iyo Galmudug oo Furmaya+Dhageyso

0

Kulan lagu heshiisiinayo Maamulada Ahlu-sunna iyo Galmudug ee Gobolada Dhexe ayaa dhawaan Ka Furmaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dhulka Somaliya.

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug Cismaan Dheere oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay wada-hadal lala yeesho Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca islamarkaana dhawaan Gobolka Galgaduud lagu qaban doono kulanka dib u heshiisiinta.

Cismaan Dheere Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in heshiiskii Dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo Maamulka Galmudug ee dhawaan lagu saxiixay magaalada Cadaado uu qeyb ka ahaa in Ahlusuna Wada-hadal lala galo islamarkaana laga qeyb galiyo doorashada madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Maamulka Galmudug Cismaan Dheere ayaa tilmaamay in guddi ka kala socda Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca in ay wada-hadalka ka qeyb gali doonaan isamarkaana ay rajenayaan in natiijooyin wanaagsan ay kasoo baxaan.
Ahlusuna ayaa dhawaan sheegtay in ay ka qeyb gali doonin doorashada madaxweynaha Cusub ee Galmudug, kadib markii ay sheegeen in loogu baxay balamo lala galay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here