Magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudan waxaa lagu soo gabagabeeyay shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan madaxda Hey’adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha sare ee qaaradda Africa.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan oo shirkaan Soomaliya u matalayay ayaa sheegay in qodobada shirka loogu hadlay ay kamid ahaayeen sidii loo tayeyn lahaa Garsoorka dalalka Qaaradda afrika, oo xiligaan la tilmaamay in uu yahay mid aad u liita.
Ibraahin Iidle Saleebaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada shirka kasoo baxay ay ugu muhiimsanaayeen 1-nidaamka garsoorka dalalka qaaradda afrika iyo sidii loo hormarin lahaa, iyo Madaxbanaanimadda Garsoorka dalalka qaaradda afrika sidii loo sara marin lahaa.
Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Soomaaliya Ibraahin Iidle Saleebaan ayaa tilmaamay in madaxda hey’adaha garsoorka iyo maxkamadaha sare ee qaaradda Africa in ay isku soo hadal qaadeen sidii dalalka qaaradda afrika ay u sameyn lahaayeen Maxkamadd ay ku mideysan yihiin taasi oo loogu maarmayo Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC.

