Mid kamid ah diyaaradaha Xamuulka qaada oo siday gargaar loogu talagalay dadka abaaruhu ay saameeyeen ee dalka Soomaaliya ayaa maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee aadan adde ee magaalada Mogadisho.
Diyaaradaan ayaa siday caawimaad kala duwan oo gaareysa 60 ton oo isugu jirta cunno, daawo iyo lacag gaareysa 2.4 Million oo doller ayaa lagu wado in la gaarsiiyo dadka abaaraha ay ku dhufteen ee ku kala nool Gobalka Banaadir, Duleedka Magaalada Mogadishu iyo Gobaladda dalka Soomaaliya oo ah Goobaha sida weyn abaaruhu ay ugu baahsanyihiin.
Dowladda Turkiga ayaa horay ugu dhawaaqay olole loogu gurmanayo dhowr dal oo abaaro ba’an ay ku dhufteen oo Soomaaliya ay kamid tahay kuwaa oo xaalad ba’an ka ay ka taagan yihiin.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan ayaa horaantii bishii aynu ka soo gudubnay ku dhawaaqay olole lacago loogu ururinayo dalalka Bariga Afrika iyo Yeman, isagoo sheegay in xaalad halis ah ay dalalkaasi ka jirto.
Dadka reer turki oo qeyb ka ah gargaarkan maanta la soo gaarsiiyay magaalada Mogadishu ayaa lacago ku arooriyay account xisaabeed ay furtay hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga taa oo qeyb ka ah deeqda maanta la’soo gaarsiiyay magaalada Mogadishu.
Madaxweynaha dalka Turky-ga Ordogan wuxuu sheegay inaysan indhaha ka qarsan karin xaaladda adag ee ka taagan dalalka Bariga Afrika oo soomaaliya ay kamid tahay.

