Axmed Madoobe:-“Xildhibaanada Jubba-land Ha Xirtaan Tuutaha”,+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) oo furey Kalfdhigiisa 3-aad ee Golaha shacabka baarlamaanka Maamulkiisa ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo kuwa aqalka Sare ee kasoo jeeda deeganada maamulka Jubba-land in ay xirtaan tuutada islamarkaana ay ka qeyb qaataan dagaalka Lagula jiro Al-shabaab.

“Dhamaan xubnaha Golaha Baarlamaanka iyo kuwa Xukuumada waa in aan dareeska wada xirana oo aan hawlgalkaas u wada istaagno Shacab iyo Dowlad, meel walba oo la xureeyo ayuu Maamulka Jubbba-land ku shaqeyn doonaa, Gudoonka Golaha shacabka Soomaliya waan ka wargalinaynaa in xildhibaanada Jubba-land ka qeyb qaadanayaan Howlgalka ” ayuu yiri Madaxweynaha Jubba-land.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxda hadii aysan ka qeyb qaadanin dagaalada oo hormuud aysan u noqonin aysan wax qabaneenin Ciidamada,sidaas darteed uu isaga hormuud u noqon doono dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here