Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay is Musuq-maasuqa uu yahay dhibka ugu badan ee Dowladda Federaalka haysta islamarkaana hadii uu sii jiro aan la sugi Karin amniga dalka.
“Waa in aan aqbalnaa in Musuq-maasuqa uu yahay dhibka ugu badan ee xiligan na haysta, waa in aan aqbalnaa in hadii aan wax laga qabanin musuq-maasuqa in aan wax laga qaban Karin nabad galyo darada, hadii Musuq-maasuqa la joojiyo waxaan la dhisi lahaa Magaaladaan, oo waxaa la helayaa Nabad galyo”, ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Sidoo kale Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed in ay la xisaabtamaan Dowladda Federaalka Somaliya, islamrkaana Madaxda Dowladda Soomaliya ay dhankooda diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan wixii la weydiiyo.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad uu maanta xariga kaga jaray dhismaha Wadada Laamiga Ah ee dhexmarta Degmooyinka Kaaraan Iyo Cabdicasiis, taasi oo markii hore loo aqoon jirey Bandar qaasim balse hada loo bixiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Dr Kadare oo dhawaan geeriyooday.

