Dowladda Kenya oo Sheegtay in Howlgal Qorshaysan Lagu Dilay 31-askari oo Shabaab ah

Ciidamada dowlada Kenya ayaa sheegay in ay dagaal ku dileen dagaalyano ka tirsan xarakada Al-shaaab kadib weerar ay ku qaadeen fariisin xarakada al shabaab ay ku lahaayeen dagmada badhaadhe ee Gobalka Jubbada hoose.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa, qoryo AK-47 ah,qalab isgaarsiineed,cunno iyo waliba Uniform-ka ciidanka militiriga Al-shabaab.

Afayeenka Milatiriga dalka Kenya Joseph Owuoth ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen uu ahaa mid abaabulan oo hubka culus ay u isticmaaleen isagoo xusay in fariinsinka Xarakada Al-shabaab gabi ahaanba ay gacanta ku dhigeen.

Weerarka oo dhacay maalinimadii shalay aheyd ayaa waxaa fuliyay ciidamada dhulka ee Kenya iyo diyaarad helicopter aheyd oo halkaa duqeyn ka geysatay.

Afayeenka ciidamada milatiriga kenya ayaa intaa ku daray in qaar ka tirsan dagaalyanada Xarakada Al-shabaab oo dhaawac ahaa in ay baxsadeen halka labo kamid ah gaawirada dagaalkana laga burburiyay.

Col Owouth ayaa intaa ku daray xog ku aadan howlgalkooda oo ay heleen in ay u sahashay fulinta weerarka oo ciidmada dhulka iyo diyaarado helicopter ah ay ka’qeyb qaadanayeen kuwaa oo duqeeyay meel 17-KM u jirta deegaanada Sarira iyo Hola Wajeer.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top