Warar lagu kalsoonan karo oo la helayo ayaa ku waramaya in wasiirkii Hore ee Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukumaadii waqtigeedi uu dhamaday C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte loo badinayo in loo magacaabo safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.
C/raxmaan Ceynte wasiirkii Qorshaynta Xukuumadii Waqtigeeda uu dhamaaday oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Nairobi ayaa la isla dhex marayaa inuu Madaxweyne Farmaajo u magacaabi rabo safiirka Safaarada Soomaaliya ee Kenya, kaddib markii Safiirkii Safaaradaas loo magaacabay wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukumaada Xasan Cali Keyre.
C/raxmaan Ceynte wasiirkii Qorshaynta Xukuumadii Waqtigeeda uu dhamaaday ilo ku dhow ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu u sheegay in loo magacaabi doono safiirka Soomaliya ee dalka Kenya marka ay Baarlamanka Soomaliya ansixiyaan Golaha wasiirada Cusub ee dhawaan uu magacaabay Raisulwasaare Kheyre.
Dhanka kale waxaa jira dad badan ayaa xusul duub ugu jira xilka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo loo arko inay tahay mid ka mid ah Safaaradaha ugu muhiimsan Safaaradaha kale ee Caalamka, isla markaana ka dhaq dhaqaaq fiican.

