Awoodii Al-shabaab ay Ku Lahaayeen Gobolka Gedo oo Wiiqantay+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Gedo ee Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in la wiiqay Awoodii dagaalyahana Xarakada al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dhowrkii bilood aynu soo dhaafnay ay wiiqantay awoodii Xarakada Al-shabaab ay laheyd Gobolkas.

Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen (Al-Qaadi) in Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa AMISOM in ay ka guuleysteen Al-shabaab oo haatan ku harsan tuulooyin hoos yimaada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dhankale Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaliya in ay wax ka qabato cudurada ka dilaacay gobolka oo maalin walba ay u dhintaan dad aad u fara badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here