Dilalka loo geysanaayo Ergadii wax kasoo xushay baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa mudoyinkii danbe waxa ay kusoo badanayeen magaalada muqdhisho iyo qaar ka mid ah gobalada dalka Soomaliya.
Suldaan shariif Cali Xasan oo ka mid ah Ergadii wax kaso xushay Xildhibaanada maamulka koonfur galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacada simba ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in dowlada Somalia iyo maamul Goboleedyad-yada dalka iney dayaceen amniga Ergadii iyo odayashii wax kaso xulay barlamanka Somalia .
Suldaanka ayaa sheegay in Ergooyinka intooda badan ay ku laabteen xarumihii ay ka yimaadeen balse aysan Dowladda Soomaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira aysan kasoo bixin balanqaadkii ahaa in ay ilaaliyeen amniga Ergooyinka, madaama ay beegsi ku hayaan Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Tan iyo markii lasoo gaba-gabeeyay xulista Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare ee dalka Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaliya, waxaa lagu dilay dhowr Ergo,qaarkood waxa ay ka badabaadeen iskudayo dil.
Maalintii shalay ayey aheyd kadib markii Fagaare ku yaala degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose ayna isugu soo baxeen boqolaal Ruux oo kamid ah dadka deegaanka iyo qaar kamid ah saraakiil katirsan Xarakada Alshabaab ayaa waxaa Xukun dil toogasho loogu fuliyay Nabadoon Cusmaan Diini Cali oo 82 sana jir ah, kana mid ah Odoyaashii soo xulay baarlamaanka maamulka koofur Galbeedka Soomaliya.

