Arooska iyo Aroosadda, Liibaan iyo Caasha oo arooskooda uu maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay go’aansadeen in Kharajka Arooskooda ugu deeqaan Dadka ay Abaarta ku hayso duleedka magaalladda Gaalkacyo.
Wiilka iyo gabadha arooska ah ayaa deeg u geeyay dad abaaraha ay aad u sameyeen waxan ay shegeen in xiligaan aysan wanagasaneen in tamashleyn iyo dabaaldaga arooskooda lagac badan ku bixiyaan taas badalkeeda waxa ay garawsadeen in ay u gurmadaad walahood abaarta saameysay.
Dadka la siiyay deeqa ee ku sugan xarumaha barakacayaal ee Magaalada Gaalkacyo ayaa aad ugu mahadceliyay Arooska iyo Aroosadda, Liibaan iyo Caasha waxayna ilaahey ugu baryeen in uu ubad qeyr badan kala siiyo.





