Kooxaha Haysta Markabka Mt-Aris-13 oo Ku Hanjabay in ay Gubi Doonaan Markabka+Dhageyso

0

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee ganacta ku haya Markabka Mt-Aris-13 oo maalmo ka hor la Afduubtay Xili uu ku soo Jeeday Dekada Muqdisho ayaa ku Hanjabay inay Markabka Gubi Doonaan Hadii Ciidamada Puntland ay joojin waayaan Duulaanka ay ku qaadeen Xeebta Deegaanka Xaabo oo aan sidaa kaga Fogayn Dagmada Caluula ee Gobalka Bari.

Sarkaal ka tirsan Kooxaha Burcad Badeeda oo magaciisa ku soo gaabiyey Maxamed Wadani ee Markabkaas heysta ayaa Sheegay inay Gubayaan Markabka Hadii Maamulka Puntland uusan joojin dagaalka sidoo kalena ay dilidoonaan in ka Badan 85-Ruux oo badan kood u dhashay Dalka Bangladesh oo saaran Markabka.

Sarkaalkaan ayaa intaa Hadalkiisa ku daray Dagaalkii Maanta ay la galeen Ciidamada Puntland ee Magacooda loo soo gaabiyo PMPF ay ku dileen inka badan 5-askari oo ka tirsan Ciidamadii maanta Markabkaas Weeraray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here