Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Gaari xamuul ah uu galabta ku rogmaday wadada isku xirta isgoysyada Zoobe iyo Danwadaagaha ee gudaha xaafadda Buulo xubey ee Degmadaas.
Gaariga rogmaday ayaa waday kunteenar, waxaana dhaawac fudud kasoo gaaray darawalkii waday gaariga rogmaday, sida goob joogyalaa ay u sheegeen idaacadda Simba.
Gaarigan rogmaday ayaa nuuciisu ahaa N3, waxa uuna ka yimid dhanka isgoyska Zoobe, gaawaari kale oo wadada maraysay ayaa khasaare kasoo gaaray shilkaan.





