Wiil Dhalinyaro ahaa oo Loo Dilay Mobil Dartiis Degmada Afgooye

0

Kooxo hubeysan oo ku labisnaa dareska Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay xaafadda Godey Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen Wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Mayoow.

Dilka Wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa yimid kadib markii uu diiday in uu dhiibo Mobil uu gacanta ku sitay oo ay doonayeen Kooxo Hubeysan in ay ka dhacaan, balse wiilka dhalinyarada ayaa taasi kasoo horjeystay sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.

Dilka kadib ragii hubeysanaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana goobta gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya oo sameeyay baaritaan lagu baadi-goobayay ragii dilay Axmed Sheekh Mayoow.

Dilka noocaan oo kala ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here