Nabadoon Abdiqaadir Axmed (Xarago) oo muddo 16-cisho ah ku xirnaa Xabsiga magaalada boosaaso ee Gobolka bari ee Maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dib xuriyadiisa u helay.
Nabadoonka oo saakay la horgeeyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ee Maamulka Goboleedka Puntland , ayaa inta aan la qaadin dacwadiisa oo aheyd in uu ka Tirsan Al-shabaab waxaa lagu wargaliyay in uu fasax yahay islamarkaana aan wax dambi ah aan ooo haysan.
“Saakay waxaa la I horgeeyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Bari ee Maamulka Goboleedka Puntland, waxaa laygu wargaliyay in aan fasax ahay”, ayuu warbaahinta u sheegay Nabadoon Abdiqaadir Axmed (Xarago).
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Bari oo siyaabooyin kala duwan ugu hadlay xariga nabadoonka ayaa sheegay in nabadoonka uu xiriir la leeyahay Al-shabaab islamarkaana uu dhowr jeer oo hore xabsiyada ku booqday raga ka Tirsan Al-shabaab.
22-kii bishii February aynu soo dhaafnay Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa hoygiisa kala baxay Nabadoon Abdi Qadir Axmed (Xarago) kadib markii maalmo ka hor uu xabsiga ku booqday dhalinyaro ku eedeysay shabaabnimo.

