Raisulwsaaraha Soomaliya oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusay Maalinta Haweenka Aduunka+Sawirro

0

Raiisulwasaaraha Jamhuuriyada Faderaalkaa Ee Soomaaliya Xasan Cali “Kheyre” ayaa Maanta Magaalada Muqdisho Uga Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusay Maalinta Haweenka Aduunka Oo Ku asteysan Maanta Oo Taariikhdu Tahay 8-da Bisha Marso

Raiisulwasaaraha JFS Xasan Cali Kheyre ayaa hambalyo u diray haweenka Soomaalyeed, isaga oo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta 8-da Maarso oo loo asteeyay maalinta haweenka adduunka.

“Inkastoo aaney aheyn maalin la xafladeyn karo oo dalka ay Abaaro ka jiraan oo ay caruurteenu gaajo u dhimanayaan, waxaanse rabaa inaan idin xasuusiyo muhiimada ay leedahay inaan gacmaha is qabsano oo aan wadajir ugu istaagno gurmadka shacabka” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha “Kheyre”

“Sideeda maarso waa maalin na xasuusineysa sida ay lagama maarmaan u tahay illaalinta xaquuqda hooyooynka iyo gabadhaheena Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa in xukuumadeyda ay ka hortagto tacadiyada ka dhanka ah haweenka” ayuu mar kale yiri Ra’iisal Wasaare “Kheyre”

“Anigoo ka faa’iideysanaya munaasabadan maalinta 8-da Maarso ee haweenka adduunka, waxaan ku boorinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb libaax ka qaataan gurmadka Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen” ayuu yiri “Kheyre”

Dhanka kale Ra’iisal Wasaaraha ayaa ballan qaaday inuu dib u furi doono Iskuul ay wax ku baran jireen gabdho Soomaaliyeed oo howlihii waxbarasho ee Iskuulkaasi u hakadeen duruufo dhaqaale owgeed, isaga oo cadeeyey inuu bixin doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si ay dib loogu bilaabo waxbarashadii gabadhaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here