Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah ay soo gaaraan Magaalada muqdisho.
Guterres oo xilka Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay ka badalay Banki Moon sanadkaan 2017-ka, ayaa marka uu soo gaaro magaalada muqdisho waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaliya uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Antonio Guterres ayaa markii uu la kulmo madaxda dowladda Soomaaliya waxa uu kala hadli doonaa arrimo badan oo dalka quseeya, sida amniga, Abaaraha dalka ka jira iyo doorka Qaramada Midoobay ay ku yeelan doonto.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa safarka uu ku imaanayo magaalada Muqdisho waxa uu noqon doonaa midkii ugu horreeyay ee uu kusoo aado qaaradda Africa kadib markii uu xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey la wareegay.

