Gaas:-“Qof islaam ah oo aan Dambi Gelin in Saxiixayga Ku Dhinto Sax Ma aha”,

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo wareysi gaar ah siiyay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa ka hadlay eedeemaha loo jeediyay Maamulkiisa ee ku aadan tacadiyo iyo jirdil la sheegay in lagu sameeyo dhalinyarada lagu eedeeyo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab si ay u qirtaan dambiyadooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in aysan marnaba ka dhicin deegaanada Puntland in Jirdil lagu sameeyo qof dambi galay ama lagu tuhunsan yahay, islamarkaana uusan weligii ogolaan doonin in tacdi lagu sameeyo qofna si uu qirto dambigiisa.

“Marna ma dhicin, saxna ma aha, mana la ogolaanayo wax tacadi la yiraahdo iyo jirdil lagu sameeyo inuu hadlo dee sax ma ah amarkaasna waa qabaan cidaamaduna waa u tababaran yihiin, sabatoo ah cidkastaa ma baarto arrimaha Al-shabaab, dad gaar ah howshaas qabta ayaa jira ama ha noqdaan ciidamayada Nabad-sugida ama ha noqdaan booliiska ma dhacdo mana aqbalayno” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland .
Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in mudaddii uu xilka hayay in dil lagu fuliyay labo qof oo kaliya oo ku eedaysnaa falal argagixisnimo,
islamarkaana aad looga taxadaro in qof aan dambi lahayn lagu fuliyo dil.

Ugu dambeyntii waxa uu soo hadal qaaday sida laga yeelay dhalinyradii ka tirsaneed Al-Shabaab ee lagu qabtay dagaaladii ka dhacay sanadkii aynu soo dhaafnay deeganada Garmaal iyo Suuj ee Gobolka Mudug, waxa uuna sheegay In qaarkood la maxkamadeeyay qaarna loo maxkamadeyn waayay sababo la xiriira da’da ay jiraan oo aad u yar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here