
Xukuumadda kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in ay ku biireyso howlgalka ilaalinta xeebaha gacanka cadmeed ee soomaaliya ku teedsan si loogu hortago kooxaha burcad badeeda.
Waxaa dowlada kuuriyada waqooyi ay sheegtay in ay soo direyso maraakiibta wax bur buriya si ay qeyb ugu naqdaan howlgalada ay hormuudka u yihiin militriga ururka midowga yurub oo in muddo ah qeybta ka ahaa howlgalada ka dhanka ah kooxaha Burcad badeeda.
Waxaa kuuriyada koofured ay xustay in ujeedka howlgalkan uu yahay ilaalinta maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha gacanka cadmeed oo sida ay sheegtay caqabad ku ah habsami socodka ganacsiga qaaradaha asia iyo eurobe.
Waa markii ugu horeysay ee maraakiib dagaal ee wax burburisa oo dowlada kooriyada koofureed u soo dirto ladagaalanka burcad badeeda soomaalida iyaga qaar kamid ah maraakiibtooda dagaal ka howl gelin doona xeebaha waqooyi barI ee soomaaliya gaar ahaan magaalada Bosaso.
